Muxuu isu casilay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aaden Aw Xirsi

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aden Aw Xirsi ayaa Galabta is casilay isagoo Iscasilaadiisa soo mariyey markii ugu horaysay Baraha Bulshada.

Wasiirka ayaa si cad wuxuu ugu saleeyey iscasilaada imaandhaha Wasiir Janan oo uu ku tilmaamay Nin Danbiile ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo iminka ku sugan Nairobi wuxuu iscasilaada Wasiirka ka arkay Baraha abulshada xili loo dabaal dhagayso imaanshaha Wasiir Janan.

Puntlandi.com oo Xiriir la sameeyey Qaar kamid ah Maamulka Jubbaland waxay noo sheegeen in Wasiir Janan iyo Wasiir Aw Hersi oo waayadii dambe ka dhexeeyey Baratan Siyaasadeed.

Wasiir Aw Hersi wuxuu waayadii dambe dareemayay in uusan kasoo dhex muuqanayn Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland oo lagu wado inuu Madaxweynuhu ku dhawaaqo. bartamaha bisha Federaayo.

Sida ay xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Madaxweyne Axmed Madoobe wuu aqbalay iscasilaada Wasiir Aw Xirsi .

Puntlandi.com
Nairobi

<