Faahfaahin— Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Kasoo degay Dekada Kismaayo,Muxuu ka yiri soo baxsashadiisii

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo maalmahaanba laweysanaa ayaa wuxuu isagoo nabdoon soo gaaray Kismaayo, waxaa weheliya Sadex Askari oo lasoo goostay Wasiirka.

Warar aad ugu dhow Madaxtooyada Jubbaland oo Puntlandi.com heleen waxay sheegayaan in Wasiirka ay caawiyeen Masuuliyiin Ku sugan Muqdisho kuwasoo sahlay soo baxsashadiisa iyo soo diridiisaba.

Doon ayuu kasoo raacay Duleedka Muqdisho doontasoo loo diyaarshay maalmo ka hor intuusan Kasoo baxsan gurigii lagu hayay.

Puntlandi.com
Kismaayo

<