Breaking. News— Wasiir Janan oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa

Kulan Deg Deg ah ayaa wuxuu hada ka socdaa Madaxtooyada Jubbaland kasoo lagusoo dhaweynayo Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Kismaayo Doon ugu soo tahriibay kadib markii ay usuura gashay inuu kasoo baxsadey Muqdisho oo mudo lix bilood ah ku xiraa,Sadexdii beri ee u dambeysayna waa lawaysanaa Wasiirka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Kuxigeenkii Mudane Sayid ayuu durba kula hadlay khadka teleefoonka, Madaxweynaha iyo Wasiirku waxay khadka teleefoonka kuwada hadlayeen in ka badan nusaac.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa laguwadaa inuu Shir jaraa’id qabto goor dhow inkastio wali laga warsugayo kulan hada ka socda Madaxtooyada oo looga arin sanayo qaabkii loo baahin lahaa Imaatinka wasiirka.

Puntlandi.com

<