Xaalada Galmudug oo kasiii saraysa iyo Madaxweynaha is magacaabay oo Amaro soo saaray

Sheikh Shaakir oo hada Sheeganaya inuu isagu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug ayaa wuxuu saaka sheegay inuu dhakhso usoo dhisayo Xukuumad loo dhan yahay isagoo taas raaciyey in uu Diyaar u yahay wixii talo ah maadaama Dhuusamareeb ay hada joogaan Inta badan Siyaasiyiinta u dhalatay Deegaanka.

Dad ka agdhow Madaxweyne Shaakir waxay sheegeen inuu Xalay la shiray Saraakiisha Ciidankiisa oo uu kala xaajooday Amaanka Gobolka.

Warar ka maanta Dhuusamareeb yaal waxaa kamid ah oo aad loo hadal hayaa Siyaasiyiinta taabacsan Villa Soomaaliya oo loo sheegay iney Muqdisho ku laabtaan ayna isaga baxaan Dhuusamareeb.

Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo oo Xarun u ah Madaxweynaha kursigiisa la isku heysto Axmed Ducaale Xaaf waxaa iyana ka socda qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug, inkastoo ay jiraan warar lagu hayo Dhuusamareeb oo sheegaya in Wadahadal iyo ukala dabqaadis ay u socdaan Xaaf iyo Shaakir.

Xukuumada Federaalka oo iyana Doorashadii ay gacanta ku hayeen ay ilaa Axada dib u dhigeen ayaa waxaad moodaa in howshii ay wadeen ay sii kala furfurmayso. Waxaa hada bilowdey Dagaal afka ah oo Hawada la isu marinayo, kaasoo ka dhex qarxay Beelaha Deegaanka, Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Raysal wasaare Kheyre ayaa weerar afka ah waxay ku qaadeen. Beesha Dhuusamareeb degta, Waxayna Tani muujineysaa in Raysal wasaare Kheyre looga adkaadey Galmudug.

Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<