Wasiir Cabdirshiid Xasan Janan Wali waa la waysan yahay, Ma Qalbidhagaxa cusubaa mise waa Jamal Khashoggi ga Soomaaliya

Waxaa wali lawaysannyahay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo markii ugu dambeysay smuk jiray gacanta Villa Soomaaliya, balse laba maalmood ka hor la sheegay inuu Xabsiga ka baxsadey.

Qoyska Wasiirka waxay Shalay sheegeen in Wasiirka la khaarajiyey oo waxay dalbadeen in Meydkiisa lagusoo Wareejiyo.

Ciidamada Askuubta oo gacanta ku haya Xabsiyada waxay hoosta ka xariiqeen in Wasiir Janan aan marnaba la keenin Xabsiyada Muqdisho, waxay cadeeyeen in uu meel kale ku xiraa, nooma xitayn nagamana fakan ayay yiraahdeen.

Tani waxay cadeynaysaa in Wasiirku uu ku xiraa Laba melood midkood 1- Villa Soomliy 2- Guri gaara.

Kiiska Wasiirka ayaa wuxuu u muuqda mid ka wayn Fadeexadii Qalbi Dhax, Dad badana waxay aamin santihiin in uu u eg yahay Fadeexadii Jamal Khashoggi, Wariyihii Saciidiga ahaa ee Sanadkii hore lagu dhex qalay Safaarada Sacuudiga ee Turkiga.

Mid ka mida Odoyaasha Beesha uu Wasiirku kasoo jeedo wuxuu yiri “Shalay waxay noo sheegeen inuu Wasiirku Daaqad ka boodey, Wasiirku lug ayuu in mudo ah dhawac ka ahaa ma ahan Nin Daaqad ka boodi kara, Laakiin Berina War kaa ka duwan baan ka sugaynaa iyo Al-Shabaab oo Kiiska lasoo dhex galiyo”

Wasiirka Amniga Jubbaland wuxuu tan iyo Bishii Ogoosto 2019 uu u xiraa Madaxtooyada,Waxaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Dadadaal dheer ayay Beesha Wasiitærku ay u galeen siideyntiisa, Dhowr jeer ayaa lagu guul daraystay Wada xaajood iyo gorgortan ay wada galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Odoyaasha Beesha uu Wasiirku kasoo jeedo.

Puntlandi.com kala soco Wararka rasmiga ah ee Wasiir Janan.

Axmed Saciid
Puntlandi.com Kismaayov office
Kismaayo@puntlandi.com

<