TACSI : – Jaaliyada Puntland ee Danmark waxay Tacsi u diryaan Qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdikariin Cali Dibitaati oo shalay ku geeriyooday magaalada London

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maalintii shalay oo aheyd Arbaco 29.01.2020 ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingriiska Marxuum Cabdikariin Cali Dibitaati.

Marxuum Cabdikariin Cali Dibitaati oo mudo dheer ku nolaa Dalka Danmark ayaa ahaa Aqoonyahan door mihiim ah iyo waxtarba u lahaa Jaaliyada Puntland iyo guud ahaan Bulshada Somaaliyeed ee ku dhaqan Danmark. Sidoo kale Marxuumkaa ayaa hore u soo noqday Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Jaaliyada Puntland ee Danmark

Dhamaan Xubnaha Jaaliyada Puntland ee Danmark iyagoo ka tiiranyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Cabdikariin Cali Dibitaati waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Awlaadii, Ehelkii iyo guud ahaan Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaayna Allaah uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana Rabi Jannadii Fardousa ka waraabiyo.

Sidoo kale Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyskii iyo Awlaadii uu ka baxay Marxuum Cabdikariin Cali Dibitaati

<