Jubbaland “ Cabdirshiid Janan Inuu Dowlada Federaalka u afduubnaa baa noogu wardambaysay” Jubbaland oo mar kale ka hadashay

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegey in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirshiid Janan uu Kismaayo gaaray.

Wasiirku wuxuu sheegay in Wasiirka ay Afduubteen Dowlada Federaalku, iyaga gacan toodana lagu ogaa, hadana looga fadhiya inay meel ku sheegaan.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland wuxuu Yiri “ Wax walbaaba waa Macquul, in Gacmo shisheeye loo gacan galiyey iyo inuusanba noolayn waa macquul laakiin Anagu sida wanaagsan Ayaan rajaynaynaa”.

Jubbaland waxay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay afduubteen Wasiirka, isla markaasna ay jawaab ka sugayaan Xukuumada oo ay meel ku sheegaan Wasiirka.

Dhinaca kale Dowlada Federaalku maalmihii lasoo dhaafay waxay Ciidamo ku daabulayeen Gobolka Gedo, halkasoo Shacabka Deegaanku ay ka caroodeen hadalo sheegayay in Wasiirk Janan la dilay.

Puntlandi.com
Muqdisho

<