Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo booqdey Xerada tabarka Ciidanka ee Baran

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril oo booqasho ku jooga Degmada Baran ayaa maanta wuxuu booqdey Xerada tababarka Ciidamada Puntland.

Gudoomiye Jabril ayaa u kuur galay Xaalada Ciidanka isagoo kula dardaarmay Difaaca shacabkooda.

Gudoomiyaha oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowlada Puntland ayaa maalmahaan waxay kormeerayeen Barnaamijka Diiwaan galinta iyo dib u habeynta Ciidanka oo ay si wada jira u wadaan Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Amniga.

Waxaana hada gabagabo maraya Barnaamijka Diiwaan galinta Ciidanka ee wajigiisa Degmada Baran.

Sawirada hoos ka daawo

<