Galmudug oo yeelatay 226 Xildhibaan, laba Madaxweyne iyo qaar kaloo badan

Maamulka Galmudug oo inta ay maamulaan ay aad u yartahay ayaa waxay yeelatay Xildhibaano gaaraya 226 Xildhibaan iyadoo la sugayo qaar kale iney kusoo biiraan.

Sadex Baarlamaan, madaxweyne Axmed Geelle Xaaf oo fadhigiisu yahay Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo, wuxuu soo dhisay Maamul ka kooban 67 Xildhibaan, Madaxweyne Sheikh Shaakir oo isna soo dhisay Baarlamaan ka kooban 69 Xildhibaan oo fadhigoodu yahay Dhuusamareeb Mareeb, Galmudugta ay Xukuumada Federaalku dabada ka riixayso oo ka kooban 86 Xildhibaan waxaa la sugayaa inay dhowaan doortaan Madaxweynaha Sadexaad oo loo badinayo inuu noqon doono Qoor-Qoor.

Cadaado iyana waa soo guulaysan waxay soo waxaana wali Lama oga, waxaase loo badinayaa inay is garabaystaab Madaxweyne Axmed Xaaf ayna soo celiyaan Galmudugtii hore ee Cadado Caasimada u ahayd.

Beesha Caaamka qayladii ayaa ka dhamaatay waxayna dhowr jeer ay cod dheer ku yiraahdeen in miis lasoo wada fariisto lana dhiso Galmudug lagu mideysan yahay.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Villa Soomaaliya oo badankoodu ku sugan yihiin Dhuusamareeb ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyey iney Masuul buuxa ka yihiin in khalkhal iyo burbur la galiyo Galmudug, waxay kaloo sheegeen in Villa Doomaaliya ay ku guul daraysatay inay Maamul loo dhan yahay ay u dhisaan Reer Galmudug.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<