Breaking News— Xog Cusub Nairobi “ Jubbaland iyo Puntland oo sharuud Adag dul dhigay hadii ay la kulmayaan Madaxweyne Farmaajo”

Warar rasmi ah oo aan ka helnay ilo Dublamaasiyadeed ayaa Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyey in Puntland iyo Jubbaland ay sharuud Adag kala hor yimaadeen Soo jeedin ay Beesha Caalamku u soo jeediyeen, tasoo ahayd in ay la kulmaan Dowlada Federaalka.

Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamku waxay u soo jeedisay kana codsatay in Wadahadal ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo si wadada loogu xaaro in horay loogu socdo.

Safiirada Maraykanka iyo Qaar kamida Midowga Yurub oo mid mid ula hadlay Madaxweynayaasha ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay kulanka ayna iyagu fududaynayaan wixii tafaasiilaad ah oo saamaxaya in kulanku uu dhaco.

Masuuliyiinta Puntland iyo Jubbaland Way soo dhaweeyeen codsiga Madaxweyne Farmaajo laakiin waxay kulanka sharuud uga dhigeen in Beesha Caalamku ay goob joog ka ahaato ayna iyagu damaanad qaadaan hirglinta waxyaabaha Skulanka kasoo baxa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si cad wuxuu Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyey inuu yahay Nin aan la isku halayn Karin, wuxuuna tusaale usoo qaatay balmo dhowra oo uu Madaxweynuhu uga baxay Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Labada Masuul waxay Beesha Caalamka ka dhaadhiciyeen una sharaxeen in kulan dhex mara iyaga iyo Madaxda Federaalka uu yahay wakhti Lumis, Xukuumada Federaalkuna ma aha mid damaana qaadi karta heshiisyo hor leh oo lawada galo ayay hadalka kusoo gabagabeeyeen.

Waxaa jira warar iyana sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hogaamiyayaasha Xisbiyada inay horay ula hadleen Beesha Caalamka oo iyaguna muujiyeen in ay quus ka tgan yihiin kulan dhex mara iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo, waxayna sidii kale ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu yahay Nin aan Heshiis la galinkarin, Siyaasiyiinta qaarkood Wayna diideen inay la kulankaan Madaxweyne Farmaajo.

Wararku waxay kaloo sheegeen in Beesha Caalamka qudhoodu ay garwaaqsi iyo feber Sanaag ay u muujiyeen Madaxda Maamul Goboleedyada ayna aqbalaeen in hadii kulan uu dhacayo inay isku dayaan inay goob joog ka ahaadaan.

Hadii Madaxweyne Farmaajo uu aqbalo in kulanka ay Beesha Caalamku goob joognka ka ahaato ayna iyagu kormeeraan socodsiinta qodobada lagu heshiiiyo, waxay taasi ka dhignaanaysas Roadmap cusub oo aan cidna dhinac uga leexan karin.

Puntlandi.com
Nairobi

Puntlandi.com
Nairobi

<