Waxgaradka Beesha Reer Axmed ee Mareexaan oo Dawlada Federaalka ugu baaqay in ay 24 sacadood gudahood ku soo wereejiyaan Maydka Wasiir Cabdirashiid Janan

Shir ay maanta Beesha Reer Axmed ee Mareexaan isku timid,kaas oo ka qabsoomay magaalada Doolow ayey Beeshu ugu baaqday masuuliyiinta ugu sareysa ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed in mudo 24 sacadood gudahood ay ku soo wareejiyaan Meydkii Wasiirkii Aminga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Waxgaradka Beesha oo goobtaas ka hadalay ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Dawlada Federaalka Somaaliyeed ay daboolayso xaqiiqada runta ah ee kiiska Wasiir Janan, taas oo waxgaradka Beesha Reer Axmed ee uu ka soo jeedo Wasiir Cabdirashiid Janan ay aaminsan yihiin in la khaarajiyey.

Halkan ka dhageyso shirkii iyo baaqii Beesha Reer Axmed.

<