Musharixiinta Galmudug oo ku baaqay Xal Deg Deg ah intaan arimuhu faraha ka bixin

Musharixiinta U tartamaya Madaxweynanimada Galmudug ayaa ku baaqay in Arimaha Doorashada dib loo dhigo mudo laba Usbuuc ah si la isugu dayo in waan waan laga galo Arimaha murugsan ee la isku hayo.

Qoraal ay Wadajir usoo saareen Musharixiinta la tartamaya Ninka ay Xukuumada Federaalku gadaal kasoo riixayso ayay ku muujiyeen walwalka ay ka qabaan Doorashada.

Ehlu Suna ayaa ka laabatay Heshiiskii ay horay ula galeen Villa Soomaaliya waxayna Shaaciyeen iney iskood usoo dhisayaan Xukuumad tasoo Dhuusamareeb ka dhigayda Magaalo laba Baarlamaan leh oo iska soo horjeedaa, Gaalkacyo ayaa iyana lagasoo wadaa Xukuumad Sadexaad halka Laga cabsi qabo in Xukuumad afraad ay ka dhalanto Cadaado.

Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharixiintu

<