British Airways oo joojisay dhamaan Duulimaadyadii Shiinaha

Shirkada Diyaaradaha ee British Airway ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen dhamaan Duulimaadyadii u duuli jiray kana imaan jiray Dalka Shiinaha ka dib markii khatar weyn lagasoo sheegay Feyruuskii ka dilaacay Dalkaa kasoo ay ilaa hada u geeriyoodeen in ka badan 156 Qof.

Talaabada ay qaadey Shirkada British Airway ayaa timid kadib markii Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Ingiriiska ay Shacabkooda uga digeen iney aadaan Shiinaha.

Xaalada Caafimaad ee Dalka Shiinaha ayaa Gobolada qaar ay faraha kasii baxaysaa Kadib Cudurkaan cusub oo ay Dad badan isqaadsiiyeen.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa laga yabaa iney ku daydaan Ingiriiska oo iyana ay joojiyaan Duulimaadyadii u Duulayay Dalka Shiinaha.

Cudurkaan oo ah Feyruus si fudud la isu qaadsiin karo ayaa ah mid khatar ku ah Caalamka oo dhan, waxaa lasoo waramayaa in Sadex Qof laga baarayo Cudurkaan Dalka Australia.

Wadamada Qaar waxay Garoomada Diyaaradaha ka sameeyeen Goobo lagu takoori Dadka ka yimaada Shiinaha si loo baaro caafimaadkooda

<