Breaking News— Jubbaland oo walwal ka muujinaysaa Xaalada Wasiirkii Amniga Jubbaland

Shalay ayaa Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho waxay shaaciyeen inuu Xabsiga ka baxsadey Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirshiid Xasan Janan, Boolisku tafaasiil intaas dheer kama aysan bixin.

Dowlada Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah waxay sheegeen in ay wal wal ka qabaan Xaalada Wasiirka, waxayna shaki badan ka muujiyeen wararka ku saabsan in Wasiirku uu Daaqada Xabsiga uu ka booday oo uu fakadey subaxnimadii Talaadada 28 bishaan Janaayo.

Jubbaland waxay sheegeen In Wasiirka la waysan yahay lana doonayo in ay Faahfaahin kasoo saaraan Dowlada Federaalka oo markii u dambeysay gacantooda uu ku jiray.

“Hadii Wasiirku uu xoriyadiisa dib u helilahaa wuxuu durba lasoo xiriiro lahaa Madaxtooyada Jubbaland Taasina ma dhicin oo warkiisa ma heyno, Tan iyo shalay teleefoonkii soo dhaca waa la sugayay laakiin War lagama hayo Wasiirka, Waana ka walwal sanahay wararka Xamar kasoo yeeray, “ Waxaa sidaas yiri Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland oo Puntlandi.com la hadlay.

Shalay ayaa Jubbaland Warqada kasoo saartay wararkaan Wasiirka iyagoo sidaan oo ankes heegan innay ka walwalsan yihiin Xaaladiisa, walina waxaa muuqda in aysan Jubbaland wax wara ka heyn xaalada Wsiirka.

Wali wax wara oo rasmi ah oo ku saabsan Xaalada Wasiirka kama uusan soo bixin Dowlada Federaalka.

Puntlandi.com

<