Nabadoon lagu dilay Xaafada Dayniilr ee Magaalada Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dilay Nabadoon Cabdirsaaq Yuusuf Siidow oo ku Magac dheeraa Shabeel xili uu kasoo baxay Mashid.

Qof ka agdhowaa xiliga Dilku dhacay ayaa Puntlandi.com u sheegay in kooxda Dilka gaystay ay Gaari wateen ka dibna ay ag istaageen gaari uu watay Nabadoonku kolkaas ayay Rasaas ooda uga qaadeen.

Marxuumku isla goobtii ayuu ku geeriyooday waxyar kadib markii Gurmad iyo Ciidan aysoo gaareen goobta falku ka dhacay.

Kooxda falka geysatay ayaa lagu qiyaasay Sadex ilaa afar Qof oo gaari ku dhex jiray, Dilkuna wuxuu u muuqda mid qorshaysan oo ay sugayeen Nabadoonku inta uu kasoo baxayo Masjidka.

Cidna ilaa hada ma sheegan weerarka , Xukuumaduna kama aysan hadal wali.

Puntlandi.con
Muqdisho

<