Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri Safarkiisii Casmara, Muxerse ka yiri kala qaybsanaanta Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyadiisa

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga Dalka Eritrea ayaa wuxuu halkaas kula kulmay maanta Madaxweynaha Dalkaas iyo Raysal wasaaraha Itoobiya.

Kulankaas Madaxweynuhu wuxuu ku macneeyey in Himilo iyo barwaaqo ay hiigsanayso Geeska Afrika uuna ku faraxsan yahay kulanka labadaan Masuul uu kula qaatay Casmara Caasimada Dalka Ilatareeya.

Hadalka Madaxweynuhu wuxuu kusoo aadayaa xili ay kala qayb Sanaag ba’an ay ka jirto Gudaha Siyaasada Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo iyo Inta badan Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana hada isku dayaya inay ukala dabqaadaan Beesha Caalamka.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa hadalada Madaxweynuha iyo kulamada ah ee uu la qaadanayo Raysal wasaaraha Itoobiya waxay ku tilmaameen Siyaasad maran oo uu Madaxweynuhub uga dhuumanayo Siyaasada Fashilantay ee ka jirta Villa Soomaaliya.

Waa kan hadalkii Madaxweynuhu uu goor dhaweyd soo dhigay Bartiisa Twitterka.

<