Farmaajo oo Safarkiisii Labaad bishaan ku aadey Casmara

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa saaka oo isniin ah wuxuu u duulay Dalka Eritrea halkasoo uu ka furmi doono kulan Sadex geesood ah oo u dhexayn doona Madaxweynaha Eritrea, Kan Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horaantii bishaan Janaayo uu safar ku tagay Casmara safarka saakana waa kiisii labaad mudo laba isbuuc gudohood ah.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa Bartiisa twitterk ku shaaciyey inuu Casmara kula kulmi doono Madaxda Eritrea iyo Soomaaliya.

Lama shaacin ajandaha kulanka balse waxaa la hadal hayaa in looga hadlayo Arimaha Geeska Afrika.

Villa Soomaaliya wax sharaxaad ah kama aysan bixin Safarka Madaxweynaha aan ka ahayn iney shaaciyeen inuu u safray Casmara.

Puntlandi.com
Muqdisho

<