Argagixisada oo dhaqdhaqaaq ka wada Duleedka Qandala

Warar lagasoo xigtey Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyey in Maleeshiyaadka Argagixisada ay Dhaqdhaqaqaaq Cabsi galiyey Shacabka ay ka wadaan Duleedka Degmada Qandala.

Maleeshiyada Daacish ayaa loo badinayaa iney maalmahaanba is urursi ay ku jireen iyadoo Saraakiisha Ciidanka Gobolka Bari ay sheegeen iney la socdaan Xaalada laakiin ilaa hada cidna talaabo kama qaadan.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino Xaalada Qandala Way noo suura gali waydey inaan helno.

Saaka oo isniin ah waxaa Qandala iyo nawaaxigeeda laga dareemayaa cabsi xoogan.

Puntlandi.com
Bosaso

<