Xildhibaan Axmed Fiqi “ Xukuumada Federaalku waa ku fashilantay Maamul u Dhisida Galmudug”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iminkana ku sugan Dhuusamareeb ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada Federaalku ay ku fashilantay Maamul u Dhisida Galmudug.

Xildhibaanku wuxuu Sheegay in Galmudug ay wajahday Xaalad Adag oo sababtay in Galmudug looga dhawaaqo Sadex Maamul oo isfeer ordaya iyo qalalaaase Siyaasadeed.

Xildhibaanka ayaa wuxuu baaq u diray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu baaqay inuu soo fara galiyo Arinta.

Dhinaca kale Ehlu Suna ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen iney uuna dhisayaan Maamul ka Madaxbanaan kan hada laga dhisayo Dhuusamareeb .

Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<