Jawaari oo Garowe ka khudbayn doona kana hadli doona Siyaasada Soomaaiya

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari ayaa lagu casumay Mac’hadka PDRC si uu uga faalooda Siyaasada Soomaaliya iyo Mustaqbalka dhow.

29 bishaan Janaayo ayuu Gudoomiyaha hore ka khudbayn doonaa PDRC Garowe,Shacabka ayaa su’aalo ka waydiin doona shaqooyinkiisii Baarlamaanka iyo Xiliyadii uu soo maray.

Gudoomiyuhu wuxuu dhankiisa ka faaloon doona Siyaasada Soomaaliya, sidii Xilka looga qaaday iyo Doorashada Soomaaliya 2021.

Barnaamijkaan kala soco Puntlandi.com

<