Ehlu Suna oo sheegtay inay iyana Maamul u sameynayaan Galmudug

Qoraal ay Ehlu Suna kasoo saartay Dhuusamareeb ayay ku sheegeen in hadii Xukuumada Federaalku ay iska indha saabto cabashooyinka Loosoo gudbiyey ay iayagu la wareegayaan Howlaha Dhismaha Maamulka Galmudug ayna dhisayaan Maamul ka turjumaya Bulshada.

Hadalka kasoo yeeray Ehlu Suna ayaa kusoo aadaya xili ay xurguf weyn ka aloosan tahay Dhuusamareeb, Xukuumada Federaalka ayaa lagu eedeynayaa inay afgambiday Doorashada, ayna Ehlu Suna banaanaka dhigeen,

Ehlu Suna waxay hada soo jeediyeen in Xukuumada Federaalku ay tixgaliyaan Cabashada Siyaasiyiinta iyo Odoyaasha Si Doorasho xalaal ah loo qabto hadii ay taas samaynwaydo Xukuumadu waxay Ehlu Suna sheegeen iney iyaguna ku dhawaaqayaan Xukuumad cusub.

Madaxweyne Xaaf ayaa isna wuxuu Xaafada Baraxley ka wadaa Dhismaha Galmudug kale, Hadii Ehlu Duna iyana ku dhawaaqaan Xukuumad cusub waxay noqonaysaa in Galmudug ay yeelato Sadex Xukuumadood oo Sadex Madaxweyne Leh.

Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<