Digniin ku socota Puntland, Soomaaliland iyo Soomaaliyada kale

Sida lala socdo Dalka Shiinaha waxaa ka dilaacay Fayruus Hargab u eg laakiin Dilaa ah, Laba Gobol oo Shiinaha ka mid ah gabi ahaan waxaa lagusoo ragay Xaalad Deg deg ah.

Fayruskaan waxaa u geeriyoodey Dad gaaraya 80 oo Qof, Dhakhso ayuuna u fidi karaa.

Wadanka Australia ilaa hada waxaa la qabtay 4 Qof oo looga dhajiyey iney qabaan Fayruskaan.

Fayraska ayaa sidoo kale laga helay Thailand, Vietnam, Singapore, Japan, South Korea, Taiwan, Nepal, iyo Mareykanka.

HADABA Garoomada Diyaaradaha Garowe, Hargeysa, Bosaso iyo Muqdisho waxaa lagu wargalinayaa in la ilaaliyo Dadka ka yimaada Shiinaha, Soomaali ha ahaado ama Ajnabi ha ahaadee.

Sidee lagu gartaa Qofka uu haleelay Fayruskaan

Dadka ka yimaada Shiinaha ee qaba Fayruskaan (Hargab cusub oo Shiinaha ka bilowdey iona Dilaa ah)
Hargab
Xanuun yar feebar
Neefta oo Qofka ku adkaata

Wasaaradaha Caafimaadka Waxaa la farayaa iney isu diyaariyaan ka hortaga iyo u kaalmeynta Dadka qaba Fayruuskaan, Waana in Wasaaradaha Caafimaadka iyo Hay”adaha Caafimaadka ay taagan Garoomada Diyaradaha si loo wacyi galiyo Shaqaalaha Garoomada Diyaaradaha si looga hortago Cudurkaan.

Hadii Qof qaba Fayruskaan uu Diyaarad soo raaco waxaa khatar ah inuu qaadistii Dadka saaraan Diyarada.

Wixii Faahfaahin ah waxaad ka heli karaan Google.com adoo ku qoraya Virus in Chine

Puntlandi.com
Nairobi

<