Villa Soomaaliya maxay tahay sababta ay ula dagaalamayaan Nidaamka Waxbarashada Puntland ,hadaadan ogayn hada ogow

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya wuxuu waraysi uu siiyey BBC Soomaali uu sheegay in si ulakac ah loo joojiyey Shahaadada Dugsiyada sare ee Puntland waayo Puntland waxay diiday nidaamka Waxbarashada iyo iMtaxaanaadkaan soo diyaarinayo, isagoo raacshay “ Haday iyagu ismaamulayaan Oo imtaxaan gooni ah qaadanayaan shahaado ha sameysteen.

Waa markii shanaad oo wasiir Goodax uu muujiyey Dagaalka uu ku haya Caruurta Puntland

Maxaa kulaylka ka keeney Wnasiirka

Hadalka Wasiirku ma ahan mid ku salaysan imtaxaan iyo Nidaam waxbarasho ee wuxuu salka ku hayaa Puntland oo far dhuun gashay ku noqotay Nidaam Malaayiin Doolar lagu cuninjiray, iyo guusha Puntland ka gaartay Waxbarashada oo laf dhuun gashay ku noqotay Villa Soomaaliya, oo qandaraas ku haysata Ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Soomaaliya.

Nidaamka Waxbarashada Soomaaliya waxaa gacanta ku haya oo caawiya Wadano dhowra waxayna ku bixiyaan malaayiin Doolar, Xukuumada Madaxweyne Farmaajo markay Xilka la wareegeen waxay ogaadeen in Caalamku ogyahay in Nidaamka Waxbarashada Puntland uu yahay kan kaliya ee Soomaaliya ka shaqeeya, Midaam Waxbarashana uusan ka jirin inta kale Soomaaliya, Soomaaliland mooyee

Dhowr jeerna waxay Puntland heshay Amaan iyo Aqoonsi gaara, Mudo laba sano laga joogo ayaa shir ka dhacay Nairobi waxaa si toosa loogu sheegay Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka ah in ay qaataan Nidaamka Waxbarasho ee Puntland ayna la tashadaan Wasaarada Waxbarashada Puntland, Hay’ada Waxbarashada Aduunka ayaa xitaa Diiwaan galisay in Puntland ay horumar wanaagsan ka gaartay Waxbarashada iyadoo xitaa sheegtay in Ay Puntland tusaale u noqonayso Nidaamka Waxbarashada Wadamada Dagaaladu aafeeyeen.

Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalku shir walba oo ay taagan waxaa hortaagan Amaanka Nidaamka Waxbarashada Puntland, mar kale ayaa waxaa Noarobi ka dhacay Shir uu ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Federaalka, Shirkaas waxaa looga hadlayay Waxbarashada Soomaaliya, South Sudan iyo Xeebaha Qaxootiga, tusaale fiican ayaa laga bixiyey Nidaamka ay Puntland u dajisay waxbarashada, waxaa waliba la Carab dhacay isla shirkaasna in Koonfurta Soomaaliya uusann ka jirin Nidaam Waxbarasho oo wanaagsan, Xukuumada Federaalka ee hada jirtaa xiligaas hal sano ayay Xilka hayeen, aad ayayna uga xumaadeen hadal heynta Puntland, waa maalintaas maalinta Villa Soomaaliya go’aanka ku gaartay in la burburiyo Nidaamka Waxbarashada Puntland lana hoos keeno Villa Soomaaliya si loola soo simo Ardeyda Koonfurta Soomaaliya oo aan wali haysan Nidaam waxbarsho, Ninka howshaas qaban kara waxaa loo arkay inuu yahay Wasiir Goodax.

Hadalada kasoo yeeraya Goodax Bare waa ka weyn yahay Shahaado iyo Imtaaxan ee sidaas aan kor ku xusnay ayuu xqiiqdii ku salaysan ayahay.

Dagaalka Puntland lagu hayo ma ahan Waxbarashada oo kaliya ee waxaa lagala dagaalamayaa Guud ahaanba inay ka hor maraan Maamulada kale.

Puntland Dowladeeda iyo Shacbigeeda waxaa ku waajib ah inay isku tashadaan oo Dowlad nimadooda iyo Madaxbanaanidooda ay gaar u noqoto inta laga helayo Dowladnimo Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay.

Waxaa markhaati lagawada yahay in Puntland ay maanta gacan maran ka taagan tahay Xuquuqdii ay ku lahayd Dowladnimada Soomaaliyeed ayna ku dulmantahay Nidaamka Federaalka ah.

Puntland iyo Shacabkeeda waxaa laga sifeeyey awoodqaybsigii Dalka iyo Xubnihii ay ku lahayd Dowlada Federaalka, waxaa la hor istaagay Oo la dulmiyay Mustaqbalka Waxbarasho iyo Shahaadooyiinkii dugsiyada sare ee ilmaha Puntland( Arintaas Wasiir Goodax Bare ayaa qandaraas ku qaatay).

Puntland waxaa laga reebay oo laga qadiyey Tayantii iyo Tababarada Ciidanka Xooga Dalka ( Dowlada Federaalku waxay tababaradooda, Mushaarooyinkooda iyo gunooyinkooda ay bixisaa 43,000 oo Askari oo hal Reer u badan kuwasoo jooga Muqdisho iyo Deegaanada Beesha Raysal wasaare Kheyre, Ma jidho hal Askari oo Puntland jooga oo Dowlada Federaalku ay Mushaar siisay ama tababar u qaadey.

Waxaa kaloo nacayb qabiil iyo cadaawad loo qabo Puntland laga qadiyey Mashaariicdii dib u dhibka Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka iyo Deeqihii Horumarineed ee ay bixinayeen Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Beesha Caalamka.

Waxaa lagaaray wakhtigii Shacbiga iyo Dowlada Puntland ay garwaaqsan lahaayeen inuu burburay Nidaamkii Federaalka ahaa iyo Dowlad Dhexe oo ay Xaruntooda noqoto Magaalada Muqdisho, waxaa waajib ku ah Puntland inay aqbalaan Xaqiiqda maanta ka jirta Soomaaliya kana dul kacaan Raqda iyo Meydka ay dul fadhiyaan ee ay weheshanayaan.

Waxaa run ah in Shacbiga Puntland ay Xoog, Halgan iyo wakhti badan ay galiyeen isla markaasna ay bag iyo maal waxay lahaayeen ay u jireen in la helo Dowladnimo Soomaaliyeed LAAKIIN Maanta waxaa waajib image ah inaynu badbaadino Dhacbiga iyo Dowladeena, oo aynaan marti u noqonin 30 sano kadib Nidaam Soomaaliyeed oo aaminsan kuna shaqaynaya afkaar Cadaawad iyo qabiil ku salaysan.

<