Faahfaahin Kulamadii Maanta ee Madaxweyne Deni iyo Nairobi

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guda jira Kulano uu Nairobi kula leeyahay Beesha Caalamka ayaa wuxuu maanta la kulmay Safiirka Dowlada Faransiiska u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ah Kii ugu horeeyey ee Wadamada Midowga Yurub ayaa wuxuu hordhac u yahay kulan uu la qaadan doono Midowga Yurub kulankaasoo diirada lagu saarayo Deeqaha Ay siiyaan Soomaaliya oo ay Puntland doonayso in waxooda gaar loosiiyo inta Xukuumada hada jirtaa uu xilkoodu dhamaanayo.

Wafdiga Puntland ee Madaxweynuhu uu hogaaminayo waxay wataannQordhe dheer oo ay hor dhigayaannQolyaha daneeya Arimaha Soomaaliya.

Kulanka Faransiiska iyo Puntland wuxuu maanta kusoo dhamaadey is afgarad.

Sida muuqata Beesha Caalamka qudhoodu waxay galiyeen qaabkii ay ula macaamili jireen Soomaaliya Guud ahaan.

Puntlandi.com
Nairobi

<