Madaxweyne Axmed Madoobe oo bilaabay kulamadiisa Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa waxaa maanta Nairobi uga bilowday Kulamadii uu la qaadan lahaa Beesha Caalamka, wuxuuna kulankiisa ugu horeeya la qaatay Maraykanka.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay kawada hadleen Arimaha Soomaaliya, oo ay ugu horayso Doorashada 2021.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa wuxuu Maraykanka kala hadlay Ladagaalanka Argagixisada iyo Deeqda Soomaaliya la siiyo.

Sida ay Puntlandi.com ay xogtaan ku hayaan Safiirka Maraykanku wuxuu Axmed Madoobe kala hadlay Arimaha Doorashada Soomaaliya iyadoo uu Safiirku arintaan aad u daneynayay innay si qodo dheer uga wada hadlaan.

Axmed Madoobe wuxuu tilmaamey in Doorashada Soomaaliya ay Jubbaland mowqif lagu mideysan ayaaayas ay ka taagan tahay ayna wadatashi kala sameeyeen Maamulada kale iyo Xisbiyada qaarkood.

Puntlandi.com
Nairobi

<