Madaxweynaha Puntland oo Nairobi kula kulmaya Bank Aduunka

????????????????????????????????????

Maanta ama beri waxaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu la kulmo Xubno ka socda Bank Aduunka, Waxay ka wada hadlayaan Waa Mashruucii uu dhowaan la wareegay Raysal wasaare Kheyre.

“Kulanka ayaa wuxuu qayb ka yahay sababta uu Madaxweyne Deni u yimid Nairobi, wuxuu marka hore la kulmayaa Banka Aduunka oo uu kala hadlayo macaawinada lasiiyo Soomaaliya in aysan dhacayn in hada kadib lasoo Mariyo Muqdisho, horay dacwo noocaas ah Puntland Way kala hadleen World Bank, Waxaana hada haynaa tusaale fiican oo ku saabsan Waxaan ka digaynay, 28 Milyan oo Puntland uu Bank Aduunku ugu deeqay ayuu Raysal wasaaruhu leexsadey, waxyaabahaas iyo kuwo kale ayuu Madaxweynuhu kala hadlayaa Bank Aduunka iyo waliba Beesha Caalamka” Waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu kaloo si gaara ula kulmayaa Safiirka Ingiriiska iyo kan Sweden, wuxuu kaloo wada jir ula kulmayaa Dhamaan Xubnaha matala Beesha Caalamka ee daneeya Soomaaliya.

Puntlandi.com
Nairobi

<