Isamada ka yimid Jigjiga oo Qado sharaf loogu sameeyey Duleedka Garowe

Wada dhaqameed ka dhacday maanta Duleedka Magaalada Garowe ayaa ahayd Casumaad ay Isimadu u sameeyeen Wafdi dhaqameed ka yimidJigjiga oo mentalt soo gaaray Garowe.

Qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa Casumaadaan ka dambeeyey iyagoo ugu talagalay inay kala warqadaan Isimada ka yimid Dowlad Deegnka Soomaalida Itoobiya.

Ujeedka safarka Isimada Reer Jigjiga ayaa ahayd dhamaystirka Beelo xurguf kukala gaartay Gobolka Adoon oo gartooda la bilaabay laba sano ka hor, hadana la dhamays tirayay.

Labada Beelood oo labaduba Reer Sool yihiin ayaa la filayaa in gartooda lagusoo gabagabeeyey Magaalada Garowe maalmaha soo docda

Hoos ka daawo Sawirada Qada dhaqameedka

<