Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Amaankiisa la adkeeyey

Dowlada Puntland waxay sare u qaadey Amaanka Masuuliyiinta ugu saraysa Puntland, inkastoo Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa uu Amaankooda adkaa ayna Amaankooda Masuul ka yihiin Ciidanka Gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Martida hadana Gudoomiyaha Baarlamaanku badanaa qayb kama ahayn Masuuliyiinta ay ilaaliyaan Ciidamada khaaska ah ee Madaxtooyada.

Gudoomiyaha hada Xilka haya ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Jabril Yusuf waxaa hada Amaankiisa la wareegay Ciidamada Gaarka ah ee Madaxtooyada, hada kadibna Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu Sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa helayaa in Amaankiisa ay sugaan Ciidankaas.

Isbadalkaan wuxuu qayb ka yahay dib habeynta lagu sameynayo Ciidamada Puntland iyo shaqadooda.

Puntlandi.com
Garowe

<