Ehlu Suna Waljameeca Waxay wadaan waa qar iska xoornimadii Xaaf oo kale

Bilowgii hore ee Abaabulka Doorashada Galmudug Xukuumada Federaalku haku saxsanaato ama ha ku qaldanaatee waxay Heshiisyo isdaba socda oo midna goonidiisa ah oo ayvisla markaasc raali ka yihiin ay la galeen Madaxweyne Xaaf iyo Ehlu Suna, Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanadaan ee Mucaaradka heer Qaran ah Way saluugsanaayeen Heshiisyada qarsoon ee Ehlu Suna iyo Xaaf ay la galeen Villa Soomaaliya.

Ehlu Suna waxay saxiixdey Heshiis ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ay ka helaan Labaataneeye Kursi xiligaas kama aysan fakari meesha ay ka imaanayaan Lixdameeyada kale ee Baarlamaanka, Kamana aysan hadal ama SU’aal kama aysan keenin ee waxay ku Farax sanaayeen kuna qanceen Labaatanka kursi ee loo qoondeeyey.

Ehlu Suna iyagaa soo xusnay labaatankooda Xildhibaan iyagoo xor u ah, Dowlada Federaalkuna wax su’aal ah kama aysan keenin, ilweyn heshiiska SAS ahaaye.

Sidii lawada sugayay laakiinse ay moogsanaayeen Xaaf iyo Ehlu Suna, waxay Villa Soomaaliya ay iyana jeebka kalasoo baxeen Lixdameeyadii Xildhibaan ee Baarlamaanka cusub waana tan ay hada ku baraarugeen Ehlu Suna, Gaalkacdil gartiisana sii buu xaalku hada marayaa.

Ehlu Suna iyagaa Heshiiska lagusoo dhisay Baarlamaanka Saxiixay marka iney hada Qaylo iyo cabasho keenaan waa Qar’iska xoornimo.

Madaxweyne Xaaf iyadoo la leeyahay war ka joog buu heshiis la galay Villa Soomaaliya, waliba waxaa lagu xantaa in boorso lacaga uu dhaafsadey Saxiixa Heshiiskaas, isna inuu maanta Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo kasoo qayliyaa waa dhaqan uu horay u sameyn jiray.

Xukuumada federaalku waxay ku taagan tahay Heshiiskii ay u hoos galiyeen Ehlu Suna iyo Xaaf, umana arko inay labadaan dhinacba u joojinayaan.

Cali Xasan Yare
Muqdisho

<