Xog. Puntland iyo Jubbaland oo Dalbadey in ilaa Doorashada laga gaarayo ay Deeqda Beesha Caalamka u soo marin Muqdisho

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayaa go”aan cad waxay ka qaateen wada shaqaynta ay la leeyihiin Muqdisho.

Xog ay Warbaahinta Puntlandi.com heleen ayaa sheegayaa in Labadaan Maamul ay Beesha Caalamka ka dalbadeen in ay iyaga toos ula maacaamilaan oo aysan wax dambe usoo marin Muqdisho, waxay Kaloo Dalbadeen In wada shaqaynta Beesha Caalamka iyo Maamul Goboleedyada lagusoo celiyo qaab u eg qaabkii Xiliyadii Kumeelgaarka ay ahayd Beesha Caalamku.

Puntland iyo Jubbaland waxay fariimo ay u direen Beesha Caalamka iyo hadalo ay si waji ka waji ah ugu sheegeen Qaar kamid ah Beesha Caalamka ay hoosta ka xariiqeen in uu dhamaadey is aaminkii iyo wada shaqaynta kala dhaxaysay Madaxda hada hogaansha Villa Soomaaliya sidaas awgeed ay si kumeel gaar ah u hakiyeen gabi ahaan wada shaqaynta kala dhaxaysay.

Waxay kaloo sheegeen iney in mudo ah dul qaadanayeen iskuna dayeen in Wadahadal iyo isfahan laga gaaro khilaafka balse laga quustay Madaxda ugu sareeya Dalka.

Xigta ay Puntlandi.com heleen waxay kaloo tibaaxaysaa in Nairobi Ay Beesha Caalamku ku cadumeen Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe si si wada jir ah ay ula kulankaan labadaan Maamul Goboleed Dhamaan Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Soomaaliya .

Waana sababta uu Madaxweyne Deni u aadayo Nairobi,Madaxweyne Axmed Madoobe isna sidii kale wuu aadayaa Nairobi.

Puntlandi.com
Nairobi

<