Madaxweyne Deni oo Nairobi u duulay, Xili Puntlandi.com ay Xog ku hayaan in Puntland iyo Jubbaland oo doonayaan in aan waxba loosoo marin Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu u duulay Nairobi.

Safarka Madaxweynaha oo ah Safar shaqo sida lagu wargaliyey Saxaafada ayaa wuxuu kaloo xambaarsan hahay Qorshe ay wada gaareen Jubbaland.

Warbaahinta apuntlandi.com ayaa maanta waxay Xog ku heleen in Jubbaland iyo Puntland ay Nairobi kula shirayaan Beesha Caalamka si Deeqa Soomaaliya la siiyo Ayaan usoo marin Muqdisho , tasoo macneheedu yahay in aan cidna u dhacayn Deeq bixiyaasha iyo Jubbaland ama Puntland, Dhinac kale hadaan u dhignana waxay Garowe iyo Kismaayo doonayaan in dib loosoo cesho qaab u eg kii kumeel Gaarka , waxayna sabab uga dhigeen Madaxda Dowlada Federaalka oo noqdey kuwo aan lagu aamini Karin Masiirka Soomaaliya.

Puntlandi.com
Garowe

<