Daawo Drs.Maryan Qaasim oo si Xikmad iyo Aqoon leh uga hadashay Midnimada Somaaliyeed iyo Fadeexada Farmaajo ee dhiibidii Qalbidhagax, halka nasiib xumo Maryan Curuuba oo Reer Puntland ahina ay Farmaajo ku guubaabinayso waxyeelada Puntland

Wasiiradii hore ee Waxbarashada ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Drs.Maryan Qaasim ayaa si waafi ah oo Aqoon iyo Biseyl weyni ka muuqdo uga hadashay masiibadii weyneyd ee lagu tilmaami karo midii Qarniga 21aad ee ku dhacday magaca iyo meeqaamka Somaalinimo, kadib markii Golaha Wasiirada ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed oo uu Shir gudoon u ahaa Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay qalinka ku dugeen Qaraar Siyaasadeed oo Ururka Xaq u dirika Somaaliyeed ee ONLF loogu aqoonsanaayo Urur Argagixiso, iyadoo go’aankaas loogu adeegaayo Dawlada Ethiopia.

Wasiirad Drs.Maryan Qaasim ayaa Allaah u qadaray in ay ka badbaado ceebtaas ka dhex dhacday shirkii Golaha Wasiirada Somaaliyeed, iyadoo noqtay Xubinta kaliya oo weliba Dumarka aheyd ee Go’aankaa si cad uga soo horjeedsata,iyadoo sidoo kale Wasiir Cabdi Farax Juxa iyo Wasiir Oomaar iyaguna ka aamuseen Go’aankaas xaqdarada ahaa.

Wasiirad Drs.Maryan Qaasin waxay sidoo kale ka hadashay oo ay aad ugu dheeraatay qiimaha ay leedahay Midnimada iyo Somaalinimadu.

Taas badalkeeda Maryan Curuba oo ah Gabar u dhalatay,kana soo jeeda degaanada Puntland ayaa baraha Bulshada la soo dhigay iyadoo faraha kula jirta foolxumooyin iyo dhagaro ay u maleegayso Shacbiga iyo Degaanada ay ka soo jeedo ee Puntland.

Maryan Curuba iyo kuwo badan oo iyada la mid ah oo ka soo jeeda Puntland baa Villa Somaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku hoos naban, oo weliba ku gacan siinaaya waxyeelada Shacbiga Puntland.

Drs. Maryan Qaasim iyo Maryan Curuba ogow waa laba Gabdhood oo Somaaliyeed lakiin Taariikhada ayaa si kala qurux badan u xusi doonta.

Halkan ka Daawo Khudbadii Taariikhiga aheyd ee ay jeedisay Drs.Maryan Qaasin.

.

Halkana ka dhageyso Codkii iyo Fadeexadii Maryan Curuba oo ku guubaabinaysa Madaxweyne Farmaajo waxyeelada Shacbiga Puntland.

<