Puntland iyo Jubbaland oo isla meel dhigay dhowr qodob

Shir looga hadlayo Xaalada Soomaaliya iyo Dastuurka ayaa Jubbaland iyo Puntland wuxuu uga furmay Magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Madaxweynayaasha labada Dhinac ayaa daahfuray kulanka waxaana looga hadlay Xaalada Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey, waxaana lagu Cambaareeyey qaabkii ay Xukuumada Federaalku ula dhaqantay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu sheegey in Xukuumada Federaalku ay Hay’adihii Dowliga ahaa ay u adeegsadeen iney Dhacabka ku cabiriyaan, Hawada Doomaaliya waa lagu tagrifalay, waxaana loo maamulay qaab masuuliyad daro ah, waxayna Tani muujinaysaa in Xukuumada Hada jirta aysan haba yaraatee wax Masuul ah aysan qaadi karin.

Axmed Madoobe wuxuu kaloo sheegay in Xukuumada Federaalka ah ay ka shaqayso oo qura Dalalka Dibada oo ay shaqadeedu ku egtahay Wasarada Arimaha Dibada laakiin wax saameyn ah kuma laha Dalka intiisa kale, meelaha ay saameynta ku leeyihiina dhib iyo Burbur ayay ku wadaan, Ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay Xukuumad Dhexe oo la aamini karo, wuxuu raaciyey in Shacabka Jubbaland ay mudan yihiin in la Garab istaago, Puntland na ay mar walba Garab taagan tahay Jubbalan foto Guud ahaan dhacabka Soomaaliyeed.

Labada Masuul waxay caawa kawada munaaqashoonayaan Siyaasada Soomaaliya iyo doorshada Soo socota.

Puntlandi.com
Bosaso

<