Mudaharaadyo lagu dalbanayo in laga baxo Nidaamka Fashilmay ee Federaalka ah, loogana soo horjeedo Qabyaalada Kheyre ayaa laga abaabulayaa Magaalooyinka Puntland,

Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta joojiyey Mashruuc horumarineed oo ku baxaya 112 Milyan oo dollar kasoo loogu tala galay Horumarinta Magaalooyinka Muqdisha, Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe.

Raysal wasaaraha ayaa maanta banaanka soo dhigay Caadifadiisa qabiilaysan kadib markii uu ka xumaadey Mashruuc la saxiixay, isagoo qaab qabiil u dhibsaday Mashruucaas la siinayo Garowe iyo Kismaayo.

Waxaa waxaa Yaqyaqsi iyo Ceebba ah in Raysal wasaaraha Dalku uu sanadkii hore 2019 Mashruuc 200 milyan oo dolar ku baxayso oo Dowlada Qatar bixisay uu u qoondeeyey, uuna siiyay oo kaliya Dekada Hobyo ee Galmudug iyo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye tasoo aysan jirin Cid Soomaaliyeed oo ka cabatay ama mucaaraday, laakiin maanta Damiir xumadiisa waxa uu joojiyey Mashruuc 28 Milyan oo dollar ah oo Garowe la siiyey isagoo ku doodaya in heshiiska laga reebay Galmudug iyo Hirshabeele.

Talaabada uu qaaday Raysal wasaaruhu waxay markhaati u tahay inuu burburay nidaamkii Federaalka ahaa iyo Dowlad Soomaaliyeed oo lagu mideysan yahay oo Xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Magaalooyinka Puntland caawa laga dareemayaa guux iyo kacdoon ay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Puntland ay kaga dalbanayaan Madaxda Dowlada Puntland inay dhamaanba ka baxaan Nidaamka burburay ee loo yaqaano Federaalka Soomaaliyeed, marba hadii Dowladnimadii iyo Isku dayadii ahaa inay Magaalada Muqdisho ay Xarun u noqoto Dowlad Soomaaliyeed ay noqotay wax fashilantay oo aan rajo laga qabin.

Puntland Dowladeed iyo Shacbigeeda waxaa ku waajib ah inay isku tashadaan oo Dowlad nimadooda iyo Madaxbanaanidooda ay gaar u noqoto inta laga helayo Dowladnimo Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay.

Waxaa markhaati lagawada yahay in Puntland ay maanta gacan maran ka taagan tahay Xuquuqdii ay ku lahayd Dowladnimada Soomaaliyeed ayna ku dulmantahay Nidaamka Federaalka ah.

Puntland iyo Shacabkeeda waxaa laga sifeeyey awoodqaybsigii Dalka iyo Xubnihii ay ku lahayd Dowlada Federaalka, waxaa la hor istaagay Oo la dulmiyay Mustaqbalka Waxbarasho iyo Shahaadooyiinkii dugsiyada sare ee ilmaha Puntland( Arintaas Wasiir Goodax Bare ayaa qandaraas ku qaatay).

Puntland waxaa laga reebay oo laga qadiyey Tayantii iyo Tababarada Ciidanka Xooga Dalka ( Dowlada Federaalku waxay tababaradooda, Mushaarooyinkooda iyo gunooyinkooda ay bixisaa 43,000 oo Askari oo hal Reer u badan kuwasoo jooga Muqdisho iyo Deegaanada Beesha Raysal wasaare Kheyre, Ma jidho hal Askari oo Puntland jooga oo Dowlada Federaalku ay Mushaar siisay ama tababar u qaadey.

Waxaa kaloo nacayb qabiil iyo cadaawad loo qabo Puntland laga qadiyey Mashaariicdii dib u dhibka Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka iyo Deeqihii Horumarineed ee ay bixinayeen Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Beesha Caalamka.

Waxaa lagaaray wakhtigii Shacbiga iyo Dowlada Puntland ay garwaaqsan lahaayeen inuu burburay Nidaamkii Federaalka ahaa iyo Dowlad Dhexe oo ay Xaruntooda noqoto Magaalada Muqdisho, waxaa waajib ku ah Puntland inay aqbalaan Xaqiiqda maanta ka jirta Soomaaliya kana dul kacaan Raqda iyo Meydka ay dul fadhiyaan ee ay weheshanayaan.

Waxaa run ah in Shacbiga Puntland ay Xoog, Halgan iyo wakhti badan ay galiyeen isla markaasna ay bag iyo maal waxay lahaayeen ay u jireen in la helo Dowladnimo Soomaaliyeed LAAKIIN Maanta waxaa waajib image ah inaynu badbaadino Dhacbiga iyo Dowladeena, oo aynaan marti u noqonin 30 sano kadib Nidaam Soomaaliyeed oo aaminsan kuna shaqaynaya afkaar Cadaawad iyo qabiil ku salaysan.

<