Dowlada Federaalka oo sheegtay inay Malaayiin Dollar ku maalgalin doonaan Dhismaha Magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo

Heshiis maanta ay saxiixeen Wasiirka Maaliayada Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Beyle iyo Wasiirka Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosoow ayaa lagu sheegay in Dhaqaale Gaaraya 80 Milyan lagu maalgalin doono dib u dhibka iyo Horumarinta Magaalooyinka Kismaayo, Garowe iyo Baydhabo.

Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Finish ayaa isna labadaan Wasiir la saxiixdey Aduun gaaraya 27 Milyan oo USD ah oo lagu horumarinayo Magaalada Muqdisho.

Lacagtaan Waxaa inta Abadan bixinaya Bangiga Aduunka waxayna qayb ka tahay Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Laakiin Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan lacagtaan waa deyn cusub oo lagusoo qaatay Magaca Magaalooyinkaan.

Wasaarada Howlaha Guud ayaa horay u dalbatay Mashruuc lagu cariyaynayo Magaalooyinka Waaweyn ee Soomaaliya.

Saxiixa Heshiiskaan laguma casumin Masuuliyiinta Magaalooyinka kale, Muqdisho oo qura ayaa lagu casumay.

Balse Wararka aan helayno waxay Sheegayaan in Wasiirada Maamul GOboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ka warhayaan Barnaamijkaan.

Puntlandi.com
Muqdisho

<