Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Bosaso kusoo wajahan Xamarna taraansit ku ah

Tan iyo Khilaafkii Villa Soomaaliya iyo Jubbaland markuu dii xoogaystay waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Axmed Madoobe uu tago Muqdisho, wuxuu Taraansit ku yahay Aaden Academy Airport isagoo kusii jeeda Bosaso.

Madaxweynaha Jubbaland oo Casumaad rasmi ah ka haysta dhigiisa Puntland ayaa goor dhow euxuu kasoo degaya Bosaso oo Madaxweyne Deni kunsugayo Airporka.

Labada Masuul ayaa waxay kawada hadli doonaan Xaalada Soomaaliya iyo sidii laga yeeli lahaa Doorashada Soomaaliya 2020.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu transit ku yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili uu Wasiirkiisii Amniga Uu wali ku xiran yahay Xamar, Wasiirka ayaa Xabsi loo taxaabay isagoo transit ku ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Kala soco Puntlandi.com Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Puntlandi.com
Kismaayo

<