Musharixiinta Galmudug oo shir jaraa’id ku sheego doona cabashadooda


Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa ka cabanaya Faragalinta ay Xukuumada Federaalku ku heyso Doorashada Galmudug iyagoo hoosta ka xariiqay in Xildhibaanada lagu dhex jiro lana doonayo in Qof gaara oo Xukuumadu wadato loogu dhici codka.

Xog hada soo gaartay Puntlandi.com ayaa lagu sheegay in Musharixiin uu kamid yahay Cabdiraxmaan Odowaa ay shir jaraa’id qabanayaan ayna kaga hadlayaan Kalsooni xumada ka socota Dhuusamareeb iyo Shaqsiyaad Villa Soomaaliya ka yimid oo ansvar xumo ka dhex wada Doorashada.

Waxaa hada Dhuusamareeb ka socda qaban qaabada Shirka jaraa”id.

Puntlandi.com
Kala soco wixii kasoo kordha warkaan

<