Faahfaahin Shirkii Jaraa”d ee ay Musharixiinta Galmudug ay Dhuusamareeb ku qabteen

Sadex Musharax oo ka mida raga u tartamaya kursiga Madaxweynaha Galmudug ayaa Galabta waxay shir Jaraa”id ay ku qabteen Dhuusamareeb

Musharixiinta oo kala ah Cabdiraxmaan Odawaa, Kamaal Dahir Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye waxay sheegeen inay isu xulufaysanayaan Musharixiinta kale oo kooxda igu codka badan ay labada kale codkooda ku taageerayaan.

Shirka Jaraa”d waxay kaloo ku sheegeen in Xukuumada Federaalku aysan dhexdhexaad ka ahayn Doorashada isla markaasna ay faraha kula jiraan Doorashada.

Cabdullaahi Faarax Daahir oo loo badinayo inay gadaal kasoo riixiyaan Ehlu Suna Saljameeca ayaa horay wuxuu sheegay in la joojiyo Faragalinta lagu hayo Doorashada si Doorasho Xalaal ah u dhacdo.

Sida muuqata Musharixiintaan waxay isu bahaysteen iney ka guuleystaam Musharaxa ay Villa Soomaaliya gadaal kasoo riixayso kasoo ah Qoorqoor.

Ahmed Qoorqoor waa Musharaxa Madaxweynaha Galmudug, Raysal wasaare Kheyre ayaa taageeraya waana Musharaxa ay Xukuumada Federaalku wadato eaana Ninka ay u Midoobeen Sadexdaan Musharax ee kor ku cusub waxayna Asadexdaan Musharax Xoogooda isugu geynayaan inay ka guulaystaan.

Musharax Qoorqoor waa hubaal in Raysal wasaaruhu uu wato laakiin ma cada inuu haysto taageerada Madaxweyne Farmaajo.
Hoos ka daawo Sawirada Sadexda Musharax ee isu bahaystay Doorashada Galmudug

Axmed Sheikh Xasan
Wariye Madaxbanaan
Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<