Breaking News— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo la weeraray

Xildhibaan Farax Maxamed Dalmar oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ka badbaaday isku Day Dil isagoo kasoo degaya gaarigiisa.

Xildhibaanka ayaa Qof hubaysan wuxuu kasoo toogtay meel cabaar u jirta Gaarigiisa xili uu gaariga ka dagayay Magaalada Gorowe.

Wax dhawac ah Masoo gaarin Xildhibaanka Isagana iska difaacay cidii soo weerartay, Cidkalane wax ma gaarin lamana oga cida ka dambeysa falkaan,

Falkaan ayaa wuxuu dhacay xili fiidkii caawa oo khamiis soo galayo waxaana durba goobta gaaray Ciidanka Booliska iyo kuwa nabad sugida.

Wixii Faahfaahin ah beri oo khamiis ah naga filo.

Puntlandi.com

<