Itoobiyaan Airline oo Duulimaad ka bilaabaysa Bosaso

Bisha soo socota ee Feebataayo Waxaa Garoonka Diyaaradaha Bosaso ka howlgali doona Shirkada Dayuuradaha ee Itoobiya.

Sida aan kasoo xiganey Saraakiisha Duulimaadyada ee Garoonka Waxaa lagu guuleystay in dhamaan la buuxiyo Sharuudihii Caalamiga ahaa ee looga baahnaa Bosaso International Airport.

Ethopian Airline waxay Hada Duulimaad ku sameysaa Garowe, Hargeysa iyo Muqdisho, Bosaso hada ayay kusoo biirtay.

Todobaadka u horeeya bisha Federaayo ayay sameynaysaa duulimaadkii kowaad, waxayna todobaadkii tagi doontaa Sadex jeer.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha waxay ka turjumaya horumarka ay tiigsanayso Puntland, inkastoo Garoomada Diyaaradaha lagu guuleystay hadana Waxaan wali guul laga gaarin qaybta ugu muhiimsan Horumarinta Dalka oo ah Wadooyinka, Boqolaal Qof ayaa sanadwalba ku dhinta shilal ay sababeen Wadooyinka oo burbursan.

Puntlandi.com
Bosaso

<