Guri dab qabsadey oo ay ku geeriyoodeen Aabe iyo laba caruura

Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa Xalay ka dhacay shil murugo leh kasoo ahaa Dab ay ku geeriyoodeen Aabe iyo Laba wiil oo uu dhalay, Caruurta ayaa da’doooda ahayd 8 iyo 10 jir wiilala ah.

Sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen Dad goobjoogayaal ah Dabku wuxuu qabsadey Guriga Xalay, waana suuragali waysay in la damiyo.

Dhibka ugu weyn waxaa keeney iyadoo Magaalada laga waayay Gaadiidka Gurmadka ee Dabdamiska tasoo keentay in la awoodo waayo Dabka oo xoog badnaa awgiis.

Dadka ku geeriyoodey Dabka waxayna geeriyoodeen Qaacii oo ay ku hafteen, sida uu sheegey Dhakhtar goobta soo gaaray.

Hooyadii Qoyska oo Xaamilo ah ayaa laga soo badbaadiyey Dabka waxaana hada la dhigay Isbiyætaalka, dhawac fudud ayaa soo gaaray.

Tan iyo Markii uu Madaxweynihii hore ee akoonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden uu udubka u tagay Maamulka Koonfur Galbeed waxaa kor u kacay korunds Magaalada Baydhabo, Dhismayaal casri ah ayaa Magaalada laga dhisay waxaa kaloo sare u kacay tirada Dadka degan Magaalada, Hadaba Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyey inay kana seexdeen Adeegyada iyo kaafiyida Adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan Caafimaadka iyo Adeegyada Degdega ah ee Magaaladu u baahan tahay sida Gaadiidka Gurmadka Dabdamiska iyo Ambalasta, waxaa hada Magaaladu leedahay laba Aambalaas oo midi ay iyadu u baahan tahay in la dayac tiro sababtoo ah waa gaari da’ weyn.

Miisaaniyada Koonfur Galbeed ayaa kor u dhaafaysa Malaayiin Dollar bil walba.

<