Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Qoraal ku saabsan Doorashada u diray Beesha Caalamka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh isagoo ka jawaabaya hadal heynta Beesha Caalamku ay hadal heyso kana walaacsan tahay Doorashada Soomaaliya 2020 ayuu wuxuu Qoraal ahaan ugu diray jawaabtiisa.

Gudoomiyuhu wuxuu Qoraalkiisa ku sharaxay Sharciga Doorashooyinka ee uu Aqalkiisu meel mariyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Dalka ay Doorashadu ka dhacayso Wakhtigeeda.

Gudoomiyuhu waxuu kaloo sharaxaad ka bixiyey Shaqada hortaal Baarlamaanka ee ku aadan Doorashada soo socota 2020 iyo Doorashooyinka mustaqbalada dambe.

Warqadaan ayaa u muuqata mid lagu qancinayo Beesha Caalamka oo walaac ka muujinaysaa in Xukuumaduvaysanba awoodin iney Doorasho qabato waxay kaloo muujineysaa Sida ay Siyaasiyiin badan tilmaameen in Baarlamaanku ay ka cabsi qabaan in Howlaha Doorashada laga wareegto oo iyagaba lakala diro marka Doorashadu soo dhawaato.

Hoos ka eeg Warqada

<