Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Ukrain saaraayeen 170 Qof oo ku burburtay Iiraan

Doyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Ukrain ayaa saaka oo arbaco ah ku burburtay meel aan ka fogayn Garoonka Diyaaradaha Imaam Khumaini Internatioan Tehran Airport ee Caasimada Iraan, Dhamaan rakaabkii iyo Shaqaalihii saaraa Diyaarada oo gaarayay 170 Qof waa geeriyodeen.

Qassem Biniaz oo ah Afhayeenka Wasaarada Duulista Iiraan wuxuu sheegay in Daqiiqado kadib markay Diyaaradu ka duushay Garoonka uu dab qabsadey mid kamida Matoorada Doyaarada, Duuliyihii Diyaaradaan wuu Kantarooli waayay Diyaarada hadalkiisii ubdambeeyey na wuxuu ahaa in Diyaaradu ay dhulka kusoo dhacayso.

Telefishinka Iraan ayaa baahiyey muuqaal lagasoo duubay goobta Shirku ka dhacay waxaana ka muuqda burburka Diyaarada.

Puntlandi.com
International news

<