Shabaab oo 4 Shacabka ku dilay Dhadhaab

Xalay saqdhexe ayaa Al-Shabaab waxay soo weerareen asaldhiga Booliska Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo ku taal Nawaaxiga Gaarisa Dalka Kenya, waxaa sidaas xaqiijiyey Booliska Kenya.

Booliska oo faahfaahinaya weerarkaan Argagixiso ayaa waxay sheegeen in ay dileen laba nin oo eeerarka soo qaaday kuwasoo kaka mid ahaa Maleeshiyada Al-Shabaab.

“Abaarihii 2 habeenimo Xalay saqdhexe ayay soo weerareen Saldhiga Bileyska waxaana iska caabiyey Ciidanka ku sugnaa Saldhiga, afar Qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, laba Maleeshiyaadkii weerarka soo qaadayna waa la diley hubkoodiina waan haynaa”, Waxaa sidaas yiri Booliska Gaarisa…

Waa markii labaad todobaadkaan Gudihiisa oo Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan Gudaha Kenya.

Puntlandi.com
Nairobi

<