Ogaysiis ku socda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark “ Shirka Maalgashiga Dekada Garacad”

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Denmark waxaa lagu wargalinayaa in la qaban doono shir looga hadlayo Maalgashiga Dekada Garacad.

Maalgashiga Dekada wali waa socdaa, Qof walba oo Soomaali ah wuu u furan yahay inuu ka mid noqdo Saamilayda Dekada Garacad.

Maalmahaan waxaa Yurub jooga oo safar ku maraya Qayb kamid ah Gudiga Maalgashiga Dekada, waxayna todobaadkaan Marti u yihiin Reer Denmark, warbixin Guud ayay bixinayaan, wixii du’aalo Ahna Way ka jawaabayaan, ee hadaad daneynayso Kasoo qayb gal Kulanku wuxuu ka dhacayaa Caasimada Copenhagen iyo Caasimada labaad Aarhus.

Copenhegan

Aarhus

Ludvig Feilbergs Vej 7
8230 Åbyhøj
Wixii Faahfaahin ah la Xiriir Gudiga Jaaliyada Puntland

Kasoo Qayb gal wacan

<