Breaking News—- Jubbaland oo Dacwad ku saabsan Maamulka HawadaSoomaaliya ka gudbisay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Maamulka Jubbaland ayaa waxay gudbiyeen warqad dheer oo ay kaga dacwoonayaan Dowlada Federaalka oo ay ku eedeey iney Xukuumadu ay Maamulida Hawada Soomaaliya ay u adeegsadeen Dagaal Siyaasadeed, iyagoo hub ka dhigtay Hawada Qaranka.(

Shir ka dhacaya Nairobi Maalmaha Soo socda ayay Jubbaland ku soo aadisay Dacwada, Shirka ayaa waxaa lagu eegayaa sida ay Soomaaliya u maaraysay maamulida Hawada Soomaaliya tan iyo markii lagusoo wareejiyey Maamauæida hawada, waxaana Wasiirka Duulista lagu waydiinayaa Su’aalo farabadan.

Jubbaland waxay Dacwadeeda ku muujinaysaa in Madaxweyne Farmaajo isagoo taageeryay Dad gaara inuu Cunaqabatayn dhanka Diyaaradaha ah uu saaray Jubbaland tasoo saameyn ku yeelatay noloasha Dadka Rayidka ah, waxaa kaloo Dacwada lagu muujiyey in Shacabka Jubbaland ay lumiyeen 30 Milyan oo Dollar mudadii ay Cunaqabataynta socotay.

Puntlandi.com
Kismaayo

<