Xaalada Galmudug oo wado cusub afka saartay,Xaaf oo magacaabay Gudi cusub

Inkastoo tan iyo Xalay wada xaajood khadka teleefoonka ah uu u socday Raysal wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, hadana wuxuu Xaaf shalay soo saaray Warqad ay ku qoran yihii Gudi cusub oo uu u magacaabay Doorashada Galmudug.

Gudigaan wuxuu ka hor imaanayaa Shaqada ay Dhuusamareeb ay ka wadaan Dowlada Federaalku.

Gudiga Doorashada Galmudug ayuu Xaaf magacaabay waxaana taas lagu macneeyey inuu cadaadis ku saarayo Raysal wasaaraha maadaama Xaaf banaanka looga tuuray Arimaha Doorashada ee ka socda Dhuusamareeb.

Dhanka kale Xalay oo Axad soo galaysay waxaa Dhuusamareeb ka socdey Dadaal dib loogusoo celinayo Madaxweyne Xaaf, Dadaalkaas ilaa hada natiijo lagama gaarin, saaka oo Axada ayayna dib u bilowdeen.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<