Diyaaradihii Rakaabka ee Luu oo la kansalay iyo 5 Qof oo loo xiray weerarkii Lumu

Shirkadaha Diyaaradaha Ee Kenya waxay sheegeen in gabi ahaanba uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebeedka Lumu kadib weerarkii ay saaka aroortii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Malatariga Lumu oo ay ka howlgalaan Ciidamo Maraykan ah.

Taliyaha Booliska Lamu nr. Irungu Macharia Wuxuu sheegay in 5 Qof loo xiray weerarka laakiin tafaasiil intaas dheer ma uusan bixin.

Kenya Airways iyo laba Shirkadood oo iyana Duulimaadyo ku daneeya Dhul xeebeedka Lumu waxay maanta baajiyeen dhamaad Duulimaadyadii Rakaabka.

Weerarka ay saaka ariortii ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Cirka ee Kenya waxaa lagu diley 4 Al-Shabaab ah, ilaa hada khasaare intaas dhaafsan Lama sheegin.

Puntlandi.com
Nairobi

<