Xaaf oo shirar ka dhan ah Dowlada Federaalka ka bilaabay Xaafada Baaraxley

Madaxweynaha aan Awooda badan lahayn ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo Gaalkacyo soo gaaray ayaa wuxuu layimid mucaaradnimo ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Saaka oo sabti ah wuxuu shirar ka wadaa Gaalkacyo isagoo ka carooday qaabka ay Dowlada Federaalku u hogaaminayso Dhismaha Maamulka Galmudug.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan ayaa waxay kaloo sheegayaan in Xaaf loo diiday inuu ka tala bixiyo Arimaha Galmudug, Xukuumada Federaalkuna waxay dafireen in Xaaf uu yahay Madaxweynaha Galmudug oo waxay aamin San yihiin in ay Dowlada Federaalku la wareegtay Talada Galmudug, waana tan ka xanaajisay Xaaf.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<