Daawo Muuqaalkan kooban : – Ciidamadii Dawlada ee Dibada lagu soo tababaray oo maanta qaab Qabiil ugu dagaalay Degmada Hodan ( Tarabuunka)

Shalay waxay Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku fashilantay in ay ka hortagto Qaraxii Argagisada ee waxyeelada baaxada weyn ugu geystay Shacbiga Somaaliyeed ee Reer Muqdishu.

Maantana waxay waxba ka qaban la’ yihiin oo ay ka fiirsanyaa Xarunta Villa Somaaliya gudaheeda Dagaal aad u qaraar oo Ciidamadii Dawlada ee dibadaha lagu soo tababaray oo qaab Qabiil isga soo horjeeda, kuna dagaalamaaya agagaarka Tarbuunka ee Degmada Hodan.

Dalkani wuu ku daalay oo uma baahna hogaan khiyaali, wax qabad la’aan iyo isku dir qabiil shaqo ka dhigtay, lakiin Dalka iyo Dadka Somaaliyeed waxay Naawilayaan Masuuliyiin Rabbi ugu deeqay aqoon,daacadnimo,waayo aranimo iyo Alle ka cabsi, kuwaas oo la tacaala wax ka qabashada Masiibadan Dalka ku habstay

Halkan ka fiirso Dagaalka maanta ciidamada Dawlada ku dhexmaray Degmada Hodan:

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<